Type Here to Get Search Results !

hirkadda Qatar aysan si toos ah u sheegin sida ay wax u dhaceen


Inkastoo shirkadda Qatar aysan si toos ah u sheegin sida ay wax u dhaceen, haddana waxay raasonewstv-da u xaqiijiyeen in wixii hawada ka dhacay maalintaas ay maamulayeen shaqaalaheeda, kuwaasoo ka shaqeynayay badqabka rakaabka.

Haddaba si ay raasonewstv-du faah faahin dheeraad ah uga hesho sida ay wax u dhaceen, waxaan la xiriirnay diyaaradda Qatar Airways.


Afhayeenka shirkadda ayaa noo sheegay in hawshan iyo sida ay u dhacday ay la wadaageen 'mas'uuliyiinta ay khusayso'.


Dhinaca kale, shirkaddu waxay ku faantay in hawshan ay si wanaagsan u maamuleen duuliyayaasheeda caalamiga ah ee ka shaqeeya, kuwaasoo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdooyinka lama filaanka ah ee ka dhaca hawada sare.


“Qatar Airways waxa ay si weyn u maalgalisay nidaam casri ah oo hubinaya in duuliyayaasheenna aadka u tababaran ay si nabad ah ugu shaqeeyaan diyaaradaheena iyaga oo si nabad ah uga dhex maraya hawada isku dhafan ee caalamka”ayuu yidhi afhayeen u hadlay Qatar Airways oo la hadlay raasonewstv. .


"Nidaamyadani waxay siinayaan shaqaalaheenna awood dhinacyo badan leh si ay u xasiliyaan taraafikada hawada oo ay uga ilaaliyaan kala-soocid badbaado leh," ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.


“Arrintan waanu u gudbinay hay’adaha ay khusayso, waxaana si shakhsi ah u maareeyay shaqaalaheenna, iyadoo la raacayo nidaamka Qatar Airways.


Inkastoo shirkadda Qatar aysan si toos ah u sheegin sida ay wax u dhaceen, haddana waxay raasonewstv-da u xaqiijiyeen in wixii hawada ka dhacay maalintaas ay maamulayeen shaqaalaheeda, kuwaasoo ka shaqeynayay badqabka rakaabka.


Telefeshinka Aljazeera oo soo xiganayay warbaahinta dalka Qatar ayaa sheegay in diyaarada Boeing 787 ee Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines Airbus A350 ay ku dhawaadeen in ay isku dhacaan sabtidii xili ay dul mareysay hawada Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid walaac amni ka abuuraysa gobolka. .


Labadan diyaaradood ayaa waxa ay marayeen inta u dhaxaysa garoonka ugu weyn Uganda ee Entebbe iyo garoonka caalamiga ah ee Dubai.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.